Khalad ma aha in aad ku dadadaasho shaqadaada , laakiin kaliya ha u shaqayn si aad u hesho lacag. Halkan waxa ah 3 aragti oo waaweyn waxa ayna soo koobayaan buugga. 1. ka bax tartanka jiirka Inteena badan waxaa na xakameeya shucuurteena cabsida iyo rabitaanka lacag. Waxaan si adag ugu shaqeynaa inaan helno lacag aan ku bixinno biilashayada; Inta badan lacagta aan helno waxa aan ku kharash gareeynaa kharashaadkeena, waxa aan aad uga baqanaa in aan waayino shaqooyinkeena. Xitaa "dadka hodanka ah" ee u muuqda inay yihiin kuwo hodan ah ayaa inta badan niyad jaba - Waxay ururiyaan lacag badan,waxana soo wajahda cabsi badan oo ay ka cabsanayaan in ay lumiyaan lacagta iyo heerka ay kasbadeen sidaa awgeed qaabkan ayuu qoraagu ku sheegayaa tartanka jiirka. qoraagu waxa uu ula jeedaa tartanka jiirka waa shaqada , waxa uu qofku ushaqaynayaa kaliya si uu isaga dabaro daymihiisa iyo kharashaadkiisa , waana wadada aynu marno dhammaanteen kaliya si aynu u helno farxad iyo dhamaystirnaan. 2. ka dhig lacagta mid kuu shaqaysa adiga. Baro maamulka lacagta iyo maalgalinta Mid ka mid ah waxyaalihii ugu horreeyay ee Kiyosaki uu ku tilmaamay maqaalkiisa ku saabsan maareynta lacagta ayaa ah in aad samayso maalgashi. Xitaa maalgashiga ugu nabdoon waxaa ka yimaadaa xoogaa khatar ah. Mar kasta oo aad maal gashi samayso waxaad u baahan doontaa inaad tan xisaabiso oo aad fiiro gaar ah u yeelato halka ay lacagtaadu ku socoto iyo sida ay isu beddelayso. Hadaba sidee baad ku baran kartaa maamulka lacagta : Waa in aad kala fahantaa waxa ay kala yihiin asset(hanti) iyo liability(deyn). Asset : waa waxyaalaha aad adigu leedahay siyaadinayana hantidaada. Liability: waa wixii adiga lagugu leeyahay waxa ayna naaqus u gaysanayaan hantidaada. Raac hal wado ilaa aad ka guulaysanayso. Sida uu ku sheegay napoleon hill buugiisa “ Fakar Oo Hodon Noqo ” guuldarada iyo jabku maaha wax kale ee waa cilad habka qorshaynta ku timi. Sidaa daraadeed ha qiyaasin waxa dadka kale ama suuqyadu ay samaynayaan ama aynan samaynayn ee adiga degso qorshe oo raac qorshahaas. Idku day in aad dadka kale wax bartid Mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee wax walba lagu baran karo ayaa ah in aad waxaad baratay aad bartid dadka kale . marka aad baratid maaraynta lacagta isku day in aad qof kale ku hagi karto isla nidaamkan. Kaliya kama caawin doontid dadka kale inay guuleystaan, laakiin waxaad sidoo kale baran doontaa casharro qiimo leh. Naftaada ku xeer dad ku taageera oo leh hab fikirkaaga oo kale. hubi in dadka noloshaada ku jira ay sameynayaan wax la mid ah. Waa wax yar,laakiin waxa jirta maahmaah ingiriis ah oo tiraahda “birds of same feathers flock together”. 3. u shaqay si aad wax u barato. Mustaqbalka fog, waxbarashadu waxay ka qiimo badan tahay lacagta. Sidaa darteed, Kiyosaki waxa uu nagu dhiirigelinayaa in aanu u shaqayn lacag iyo ammaan, balse aanu wax baranno. Diirada saar inaad barato sida loo maareeyo socodka lacagta , nidaamyada iyo dadka, iyo sidoo kale horumarinta xirfadahaaga dad la macaamilka, iibka iyo suuqgeynta, kuwaas oo aasaas u ah guusha meel kasta