7 Caado Ee Dadka Saamaynta Leh | Khulaaso Af-soomaali

7da caado oo kooban

1. be proactive

Waa in aad qaadid mas’uuliyada wax kasta aad dooranayso iyo dabeecadahaagaba  waa in dhammaan ficilada aad qaadayso ay yihiin kuwo aad adigu dooratay dadka kalena aadan ku eedayn khaladaadka adiga kugu dhacay waa in aad leedahay mas’uuliyada samaynta wixii adiga kuu fiican ayada oo aynan cidina kuu tilmaamin , ma tihid shay ay saamaynayaan wax yaalaha kugu xeeran ee waa in aad noqotaa shay go’aamadiisa ay saamaynayaan.

2. begin with end in mind.

Sida uu sheegay qoraaga buuga shay walba waxa la sameeyey labo jeer tusaale dhisida guriga ka hor waxa la sii sameeyaa sida uu u ekaan doono iyada oo sawir ah ka dib ayaa la bilaabaa dhisida guriga , wax walba aad samaynayso waa in aad ogaato ujeedada aad u samaynayso aadna ogtahay meesha uu ku dhamaanayo, tusaale haddii aad rabtid in aad ganacsi furato waxa muhiim ah in aad leedahay aragti cad meesha aad rabtid in aad gaadhid. Qodobkan waxa uu kuu sheegayaa inta aadan hawsha qaban waa in aad dagsataa qorshe wax walbana aad ka dhigataa mid cad.

 

3. Put first things first.

muhiimadda ay leedahay in aad waxyaalaha mudnaanta leh aad ka dhigto meel sare. Waxa uu sharaxayaa in aad awood u yeelan karto in aad aqoonsato hawlaha muhiimka ah oo aad ka hormarin karto wax walba. Iyada oo ay wax badan ka dhacaan agagaarkaaga, waxaa jira fursado aad ku seegto kuwa muhiimka ah. Tani waa sababta ay muhiim u tahay inaad sameyso liis ay ku qoran yihiin shaqooyinka mudnaanta sare leh oo aad u qabato sida ay muhiimka u yihiin. qodobkan, wuxuu yiri “first things ” asal ahaan waa dhammaan waxyaalaha ugu qiimaha badan noloshaada. Marka, waa inaad u maareysaa jadwalkaaga sida ay u kala mudan yihiin si aad aad u qabato dhammaan waxyaalaha muhiimka ah waqtigooda.

4. Think win – win.

 Qodobkan waxa uu tilmaamayaa wada shaqaynta dadka waa in aadan u arag dadka kale in ay kula tartamayaan oo xifaaltan idinka dhexeeyo. waxaan u baahanahay inaan dadka la shaqayno, is kaashano., waxaad caawin kartaa shaqsiyadaada caawin karnaa kuwa kale oo aad ku dhiirigelin kartaa kuwa kale inay is caawiyaan ah. Waa in aad iska ilaalisaa ku fikirida win – lose.

5. seek first to understand then to be understood.

Xidhiidhku waa xirfadda ugu muhiimsan nolosha. Waxaad sannado ku qaadanaysaa barashada sida wax loo akhriyo, loo qoro, iyo sida loo hadlo. Laakiin ka waran dhegeysiga? Tababar noocee ah ayaad haysataa kaas oo  awood kuu siinaya inaad wax dhageysato si aad runtii, si qoto dheer u fahanto qof kale?

Haddii aad tahay sida dadka intiisa badan, waxay u badan tahay inaad marka hore ku dadaasho in lagu fahmo; waxaad rabtaa in aad fikradaada sida ay tahay aad qofka uga dhaadhiciso  Markaad sidaa samayso, oo ay gaarto markii uu hadli lahaa qofka kale waxa laga yaabaa inaad iska indhotirto qofka kale gabi ahaanba, iska dhigto inaad dhegaysanayso, si door ah u maqashid qaybo ka mid ah wada hadalka ama aad si feejigan u fiirsato kaliya erayada la yidhi, laakiin gabi ahaanba macnihii seegto.

Sababtoo ah dadka inta badan marka loo waramayo waxa ay Iyana diyaarinayaan sidii ay uga fal celin lahaayeen , waxa ay maskaxdooda ku diyaarinayaan wixii ay oran lahaayeen.

Marka hore isku day in aad qofka fahanto deetana adiga ha lagu fahmo.

6. Synergize.

Caadada 6 aad waxa ay tilmaamaysaa faaiidada uu leeyahay isdhexgalka. Sida uu sheegay, habka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo dhibaatooyinka waa in la abuuro jawi uu qof kastaa kula wadaagi karo fikradihiisa ku saabsan adeegsiga khibradiisa si hal xal oo  wanaagsan looga soo saaro fikradaha. Waxay noqon doontaa hab aad u wanaagsan sababtoo ah waxay gacan ka geysaneysaa in la soo saaro natiijooyin tayo leh oo leh dadaal isku dhafan halkii uu shakhsi soo saari lahaa hal xal .

7. Sharpen your saw.

Tusaale :

Labo qof baa waxa laga codsaday in ay jaraan  geed mudo lix saacadood ah , qofkii kowaad waxa uu horay ka bilaabay in uu ka jaro geedka isagoon afaysan miishaarta loo dhiibay

Halka qofka kale uu qaatay waqti dhowr ah si uu u afaysto miishaarta markii uu afaystayna waxa uu bilaabay in uu jaro geedka.

Ka dib markii ay ka soo wareegtay 6 saacadood qofkii kowaad weli awood uma uusan yeelan in uu jaro geedka dhanka kale wofkii labaad waxa uuba hawsha dhameeyey ka hor inta uusan waqtigu dhammaan sababtuna waxa ay ahayd in miishaartiisu ay ahayd mid aad u afaysan taas oo siisay awooda in uu geedka u jaro si dhaqsiyo ah.

Waxay si cad inoo tusaysaa faaidada ay leedahay in la afaysto miishaarta ka hor inta aan lagu dhaqaaqin geedka.

Haddii laguu diro shaqada geedka miishaartaaduna aysan afaysnayn kaliya ma lumin doontid waqti ee sidoo kale waxaa kaa lumaya awood badan.

Haddii afaysashada miishaarta ay leedahay natiijada intan le’eg hadaba side Ayaan ugu dabakhi karnaa nolosheena?

Hadaba jawaabtu waxay tahay : waa in aan diirada saarnaa afarta dhinac ee lagama maarmaanka u ah nolosheena .

  1. The physical dimension (dhinaca muuqaaleed).

Dhinacan waxa uu ina farayaa in aan daryeelno jirkeena waa muhiim sababtoo ah haddii jirkaagu yahay mid daalan waxa ay noqonaysaa mid adag in uu qofku noqdo mid wax soo saar leh waxba sheegi mayso inta aad shaqadaad qabanayso dadaal gelinayso mar haddii uu jirkaagu daalan yahay.

Hadaba sidee baan uga dhigi karnaa jirkeena mid leh awood oo aan ahayn mid daalan?

Si aan uga dhabayno qodobkan waxaan diirada saaraynaa 3 arin:

  1. Cunitaanka cunada caafimaad leh.
  2. Samaynta jimicsi.
  3. Qaadashada hurdo kugu filan.
  4. The spiritual dimension(dhinaca ruuxiga)

Qodobkan waxaa lagu fasiri karaa baahida dareen ee hadafkaaga iyo micnahaaga , mar marka qaar nolosheen waxa wajahnaa dareemida faaruq waxa aana bilawnaa si in aad adiga laftaadu isku tahay cadaw.

Qodobkan waxa uu naga caawinayaa in aan fahano hadafka nolosheena , sida qofka aad adiga tahay shaqsiyadaada , marka si aan u qaabayno una fahano nolosheena waa in aan raacnaa qodobadan:

  1. Salaada iyo ku xirnaanshiyaha  ilaahay.
  2. Samaynta nasiino.
  3. Dhagaysashada waxyaalaha cilmigu ku jiro.
  4. Tagida goobaha diinta .
  5. Ku qaadashada waqti meelaha dabiiciga ah.
  6. The mental dimension

Fiicnaanshiyuhu maahan in aad ka dhisnaato muuqaal ahaan iyo ruuxi ahaan oo kaliya sidoo kale waxaa aad u muhiim ah in aad sidoo kale afaysato maskaxdaada , hadaba sida aad ku afaysan karto maskaxdaada ayaa ah akhrinta buugta markasta oo aad buug akhridona waxaad ka qaadan doontaa cilmi aadan hore u aqooneyn.

Sidoo kale waxaad ku afaysan kartaa maskaxdaada cayaarista iyo xalinta gameska puzzle ka ah ee u baahan fikirka , dhagaysashada podcastska , qaadashada koorasyo online ah iyo ka qaybqaadashada doodaha .

  • Social /emotional dimension

Qodobka 4 aad waa samaysashada xiriir bulsho oo faaiido leh waxay kaa caawin doontaa in aad meesha ka saartid stresska  waa hab aad ku heli karto fikrado cusub aadna ku gudbin karto kuwaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *